Wadahadallo xoogan ayaa ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar iyadoo wada-xaajoodayaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa heshiis kale oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.
Wadahadalada ayaa waxaa ka qeyb galaya taliyaasha Sirdoonka Mareykanka, Israel, Masaarida iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Qatar
Heshiiska hadda socda ayaa galay maalintiisii lixaad oo laga yaabo inuu noqdo maalintii ugu dambeysay. Israa’iil ayaa sidoo kale la siiyay magacyada koox kale oo la haystayaal ah oo lagu wado in la sii daayo maanta..
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sii jeeda bariga dhexe isaga oo hadafkiisu yahay: in la kordhiyo hakinta weerarka Israel ee Gaza.
Wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii in Maraykanku uu doonayo joojinta dagaalka si aan u sii wadno buu yiri helitaanka la haystayaal badan iyo gudbinta gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah.
“Waxaan kala hadli doonnaa Israa’iil sidii ay u xaqiijin lahayd in weerarradii argagixisanimo ee Oktoobar 7 aysan mar dambe dhicin, iyadoo la joogteyn doono lana kordhinayo gargaarka bini’aadantinimo lana yareynayo dhibaatada iyo khasaaraha kale ee soo gaaraya rayidka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Mareykanka.
Blinken waxa uu ka qayb gali doonaa shirar ka dhici doona Israel, Daanta Galbeed, iyo Imaaraadka Carabta. Waxa uu iman doonaa Israa’iil iyadoo xabbad joojintii ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka, Qatar iyo Masar ay qarka u saaran tahay inuu waqtiga ka dhaco.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya iney u badan tahay in xabad joojinta lagu daro saddex cisho oo ka bilaabanaysa beri oo Khamiis ah.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanku uusan rabin in dagaal dambe inuu ka dhaco Gaza, maadaama Israel ay ku fashilantay iney ka taqalusto Xamaas, guusha kaliya ee ay gaartayna ay noqotay xasuuqa shacabka Gaza.