Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo al-shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed G/lle Yoonis Aadan Xassan ayey ciidanku ku burburiyeen fariisimooyin ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanada Lukugooraw, Edaayin, Dabgal,  Ceel la haley Ilaa kulan-jareer,

Qoraal ka soo baxay ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay inay jiraan khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen iney iska caabin sameeyaan.

Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ku soo beegmay xili Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gobolada dalka ka wadaan howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo al-shabaab.

Related posts

Ciidamo aad u hubeesan oo maanta la geeyay magaalada Baraawe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo duqeyn ku laayey shacab reer Falastiin ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Caqabad soo wajahday shirka wadatashiga ee beri loo balansan yahay & DF oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---