Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo Elon Musk ku casuuntay magaalada Gaza kaddib markii uu tagay Israa’iil

Ururka Xamaas ee maamula magaalada Gaza ee dagaalka dumiyay ayaa si shakhsi ah uguĀ  casuuntay in uu yimaado Elon Musk oo ah milkiilaha barta (X) ee horey loo oron jiray Twitter, si uu u arko dhibaatada ay Israa’iil ka geesatay magaaladaasi.

Casuumada waxaa Elon Musk u fidiyay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan, waxa ayna casuumadan timid maalin kaddib markiiĀ  bilyaneer-ka tignoolajiyada booqday goobta lagu magacaabo kibbutz ah oo aheyd goobtii ay dadka badan ku laayeen xamaas.

Musk ayaana markii uu goobtan tagay arkay dhibaatadii halkaasi ka dhacday 7-dii October, waxaĀ  uuna caddeeyay inay ka go’an tahay inuu sameeyo wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo joojiyo fiditaanka nacaybka.

Sargaalka Xamaas katirsan ayaana ugu baaqay milkiilaha barta X in uu tago dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada GAZA, si uu usoo arko baaxada ay la egtahay duqeymaha Israa’iil magaaladaasi ku garaaceen.

“Waxaan ku martiqaadeynaa inuu booqdo Gaza si uu u arko heerka xasuuqa iyo burburinta lagu hayo dadka Gaza, iyadoo la raacayo heerarka ujeeddooyinka iyo kalsoonida,” Hamdan ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beirut.

“50 maalmood gudahood, Israa’iil waxay ku tuurtay in ka badan 40,000 oo tan oo walxaha qarxa ah guryaha Gazan-ka oo aan difaac lahayn,” ayuu sarkaalkan Xamaas katirsan hadalkiisa ku daray.

Sarkaalka Hamas ayaa sidoo kale ugu baaqay Maraykanka “inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil oo ay joojiyaan hubkooda,” iyo in beesha caalamku ay si degdeg ah u soo dirto kooxo khaas ah oo difaaca madaniga ah si ay gacan uga geystaan ā€‹ā€‹soo saarista kumanaan meydad ah oo ku hoos jira burburka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo tagay Goobtii saakay lagu dagaalay ee Dayniile (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jubbaland oo war kasoo saartay Kulankii dhax maray Axmed Madoobe iyo Swan (Sawiarad)

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo Safar saddex todobaad qaadanaya dalka kaga dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---