Hay’adda Maareynta Musiinooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) ayaa mar kale soo saartay digniino ku aadan rooba xooggan oo da’aya isbuucan hadda dhamaanaya iyo bilowga isbuuca soo socda .
Qoraal kasoo baxay SoDMA ayaa lafu sheegay in todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeeya bisha November iyo asbuuca ugu horeeya Bisha December 2023ka ay saadaashu rooba xilliga Deyrta ay muujineyso in roobab fiican ay ka di’i doonaan qeybo ka mid ah gobollada dalka, xadiga roobabkaas ay helidoonaan sida saadaashu sheegayso ayaa cabirkoodu u dhaxeeyaa 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝟭𝟬𝟬 (𝗺𝗺).
Hay’adda ayaa sheegtay in asbuucaan roobabka ugu badan ka di” doonaan gobalada: 𝗕𝗮𝗿𝗶, 𝗡𝘂𝗴𝗮𝗮𝗹, 𝗦𝗼𝗼𝗹, 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴, 𝗧𝗼𝗴𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿, 𝗕𝗮𝘆, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 waxaana la filayaa in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya 𝟱𝟬-𝟭𝟬𝟬 𝗺𝗺.
Sidoo kale hay’adda SoDMA ayaa sheegtay in degmooyin ka mid ah gobalada, 𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴, 𝗪𝗮𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶-𝗚𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗲𝗱𝗼 in iyana la saadaalinayo in ay ka da’aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟲𝟬 𝗺𝗺.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com