Turkiga ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay tahay in Israa’iil lagula xisaabtamo dembiyada dagaal ee ay ka geysatay welina ka wado magaalada Gaza iyo guud ahaan dhulka reer Falastiin.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hor kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu sheegay xafiiskiisa.
Erdogan ayaa u sheegay Guterres in Israa’iil ay sii waddo in ay si xishood la’aan ah ugu tumato sharciga caalamiga ah, shuruucda dagaalka, iyo sharciga bini’aadantinimada” ayuu yiri.
Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan oo qeyb ka ah kooxda xiriirka ah ee dalalka Muslimka ah ee wada xaajoodka la leh dhiggooda reer galbeedka ee ku saabsan xaaladda Gaza ayaa ka qeyb galaya kulanka New York.
In ka badan 14,800 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza laga bilaabo Oktoobar 7 ilaa Noofambar 23, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay ku adkaatay inay cusbooneysiiso tirooyinka khasaaraha sabato ah burburka adeegyada iyo isgaarsiinta isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza.
Shidaal yaraan ayaa curyaamisay Isbitaallada Gaza , iyadoo inta badan xarumaha daryeelka caafimaadka lagu qasbay in la xiro duqeymo ama shidaal la’aan awgeed ilaa 17kii Nofambar 17, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Tan iyo markii ay bilowdeen xabbad joojinta todobaadkii hore, kolonyada gawaarida xamuulka ah waxaa u suurtagashay in ay ka dejiyaan xoogaa cunto, shidaal iyo sahay caafimaad gudaha Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in tirada gargaarka ee la gaarsiiyay marinka Qaza ay tahay mid aan ku filneyn .
“Gargaarka hadda socdaa waa uun hoos u dhac ku yimid badweynta baahiyaha bini’aadantinimo, laakiin kuma filna” ayuu yiri Adnan Abu Hasna oo ka tirsan UNRWA.