Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Xamse oo Gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku  saameeyeen iyo wajiga labaad ee ciribtirka al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, gaar ahaana qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka,  gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay, kana dhagax-dhigay tiro mashaariic ah kuwana kala ay waddada kusoo jiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro alshabaab oo dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

Related posts

RW Rooble oo shan qodob oo Muhiim ah kala hadlay dhigiisa UK Boris Johnson (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaguu ku Dambeeyay Sheekh Muktaar Roobow oo u xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhambaal tacsi ah u diray Boqortooyada iyo Shacabka UK

Caydiid Ali