Dad badan ayaa u dhiman kara cudurro iyo xaalado caafimaad darro oo Gaza ka taagan haddii aan la soo celin kaabayaasha caafimaadka, sida ay sheegtay afhayeenka Ururka Caafimaadka Adduunka Margaret Harris oo shir jaraa’id ku qabatay Geneva.
Harris waxay sheegtay in boqollaal kun oo bukaan ah oo Gaza ku sugan ay la ildaran yihiin xaalado caafimaad oo daba-dheeraaday ah, sida macaanka, cudurrada wadnaha iyo kansarka aysana helin dawooyinka ay u baahan yihiin.
“Xaaladahaas daba-dheeraada waxay noqon doonaan dhibaato ba’an oo horseedi karta geerida dad badan” ayey tiri Margaret Harris
“Ugu dambeyntii, waxaan arki doonaa dad badan oo u dhimanaya cuduro ka badan inta aan aragno xitaa duqeynta haddii aanaan awoodin in aan dib u dhigno nidaamkan caafimaadka oo aan bixinno waxyaabaha aasaaska u ah nolosha,” ayey Harris intaas raacisay, iyadoo xustay baahida degdegga ah ee cunto, biyo, daawo iyo shidaal .
In ka badan 14,800 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza laga bilaabo Oktoobar 7 ilaa Noofambar 23, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay ku adkaatay inay cusbooneysiiso tirooyinka khasaaraha sabato ah burburka adeegyada iyo isgaarsiinta isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza.
Shidaal yaraan ayaa curyaamisay Isbitaallada Gaza , iyadoo inta badan xarumaha daryeelka caafimaadka lagu qasbay in la xiro duqeymo ama shidaal la’aan awgeed ilaa 17kii Nofambar 17, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Tan iyo markii ay bilowdeen xabbad joojinta todobaadkii hore, kolonyada gawaarida xamuulka ah waxaa u suurtagashay in ay ka dejiyaan xoogaa cunto, shidaal iyo sahay caafimaad gudaha Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in tirada gargaarka ee la gaarsiiyay marinka Qaza ay tahay mid aan ku filneyn .
“Gargaarka hadda socdaa waa uun hoos u dhac ku yimid badweynta baahiyaha bini’aadantinimo, laakiin kuma filna” ayuu yiri Adnan Abu Hasna oo ka tirsan UNRWA.