Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas iyo Israel oo isku eedeeyey dagaal ka dhacay woqooyiga Gaza

Ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku dagaalamay waqooyiga magaalada Gaza, iska horimaad ay labada dhinac ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xabad joojinta bini’aadantinimo ee gashay maalintii shanaad.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in saddex bam lagu qarxiyay meel u dhow goobo ay difaac kaga jireen ciidamada Israa’ii.

Mid ka mid ah goobahaas, Xamaas ayaa waxay sidoo kale rasaas ku fureen ciidamada, kuwaas oo ku jawaabay rasaas kale, sida ay sheegeen ciidamada Israel

“Tiro askar ah ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaareen iska horimaadyadaas ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Israel

Xamaas oo ka hadashay dagaalkaas kooban aya waxay ku eedaysay ciidamada Israa’iil iney ku xad gudbeen heshiiskii xabbad joojinta.

“Waxaa naga go’an xabbad joojinta ilaa inta uu cadawgu ka go’an yahay, waxaana ugu baaqaynaa dhexdhexaadiyeyaasha inay cadaadis ku saaraan israail si ay ugu hoggaansamaan dhammaan qodobbada xabbad-joojinta ee dhulka iyo hawada,” ayay Xamaas ku sheegtay war-saxaafadeedka. .

Xabbad-joojinta Israel iyo Xamaas ayaa shalay la kordhiyey laba maalmood oo kale. Sida ku cad heshiiska, Xamaas waxay sii deyn doontaa 10 la haystayaal maalin kasta , sida uu sheegay la-taliye sare oo Israa’iil ah, taas oo beddelkeeda ay Israa’iil sii dayn doonto 30 maxaabiista Falastiiniyiinta kamid ah.

Related posts

Yaa Xogta dhinaca amaanka loo geeyaa ma kii Wax dilayay mise kii la dilayay ?

Cabdi Cade

Muxuu yahay ujeedka safarka taliye Xijaar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Muuqaal ah oo lahaayeen Xildhibaano oo la jabsaday laguna baahiyay Anshax xumo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---