Allbanaadir.com
NEWS

Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CECAFA U18.

Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya, iyadoo la yimid labo gool hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hogamiyayasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Soomaaliya waxa u haray hal kulan oo ay waji doonaan maalinka jimcaha xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka hadii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena  oo sadex gool iyo  waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka Qaranka Sudan.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Samia oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay danjiraha cusub ee Somalia

Caydiid Ali

Baaritaan culus oo laga sameeyey guryo ku yaalla Kismaayo

Caydiid Ali

Dadka is daldalay ama Nafta is dhaafinaya oo ku soo badanaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska !!(Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---