Ciidamada booliiska gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay gaari nuuciisu ahaa Leyla Calaawe, oo laga dhacay gobolka Puntland ee Puntland iyo ninkii gaarigaasi dhacay.
Ninkan dhaca geestay oo xirnaa dareeska ciidamada ayaa gaariga ka dhacay deegaanka Buur-saalax ee gobolka Mudug, waxa uuna ninkan gaariga ula baxsaday dhinaca gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay eedaysanaha dhaca u geestay gaariga Layla Calaawida ah, waxa uuna xusay in ninkaasi iyo gaariga lagu hayo saldhigga degmada Gallaadi.
“Waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Gobolka Doollo DDS oo ku guulaystay qabashada Eedaysanwe Saadaq Cabdicasiis Nuur oo ku eedaysane dhac Gaari Land Cruser ah oo uu ka gaystay Gobolka Mudug Gaar ahaan Dagmada Bursaalax, aas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay Maamulka iyo Ciidamada Gobolka Doollo ee DDS oo markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com