Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey agaasimahii ciyaaraha ee Taleefishinka Astaan TV Mohamed Abdi Muudey, kadib markii uu diiday amar ay kooxda ugu yeertay.
Mohamed Abdi Muudey, oo dirqi uga badbaaday in kooxda disho, ayaa waxaa horey u yeertay maxkamad Al-Shabaab, balse waa uu diiday inuu tago.
Koox hubeysan oo ka tirsan maleeshiyada ayaa Mohamed Abdi Muudey ayaa soo weeraray caawa oo ay taariikhdu tahay 28-ka March 2023.
Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka guriga Mohamed oo ku yaalla dagmada Wadajir. Muudey ayaa markii uu ka shakiyey dableyda cararay kadibna waxay ka daba rideen rasaas balse wuuu ka badbaaday.
“Al-Shabab ayaa laba mar iiga yeertay maxkamad ku taalla Shabeellada Hoose, balse telofonka ayaan ka dansaday,” ayuu yiri Mohamed Abdi Muudey
“Waxey ila noqotay markii igu danbeysay ee dunida markii an maqley rasaasta, kadibna waan cararey, saacado badan ayaan aamini wayay in rasaas ay ku dhicin jirkeyga. Hadda ma garanayo waxa ii xigi doono laakiin wan sii wadi doonaa shaqooyinkaygii ciyaaraha,” ayuu ku daray.
Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goor dambe gaarey goobta weerarka uu ka dhacay, balse kooxdii ayaa la sheegay inay baxsatay.
Muudey ayaa horey diiday inuu joojiyo tabinta ciyaaraha tooska ah ee garoomada kubadda cagta iyo ciyaaraha haweenka, sida ay Al-Shabaab ku amartay. Muudey ayaa kol horey sidoo kale ka badbaadey duqeyn ururka Al-Shabaab ay la beegsadeen garoonka Stadium Mogadishu, xilli uu ku gudo jiray tabin toos ah.
Al-Shabab ayaa garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Mogadishu xertay 2018-kii kadib amar kasoo baxey, waxayna sidoo kale ay haweenka ka mamnuunceen cayaaraha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com