Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada deegaanka ayaa xalay  howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koofur kaga beegaan deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta afka ciidamada ku hadasha ayaa baahisay in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen deegaanka ay howlgalka ka fuliyeen, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Ceel Xasan Cali ku dileen lix dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab, ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay soo furteen hub kala duwan.

Saraakiisha ciidankan hoggaamineysa ayaa warbaahinta afka ciidamada ku hadasha u sheegay in wali dhulka howdka ah ka wadaan howlgalo ay kusii baacsanayaan xubno katirsan Al Shababa oo baxsaday.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan diyaar garow ay ku doonayaan in mar kale Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin bariga gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaafka Taliye Odawaa iyo Jen. Biixi oo gaaray meel adag iyo Farmaajo oo..

Caydiid Ali

(Sawirro) Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo ku dhintay

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Baydhabo & khasaare xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---