Allbanaadir.com
NEWS

Deni oo Magacaabay guddiga wada-xaajoodka doorashooyinka Puntland (Magacyada)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 62 ee 27 November 2023, kuna Saabsan magacaabid Guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay:  baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada  taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod.

Markuu arkay:  Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.

Markuu la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka DPL.

Markuu la tashaday:  Guddoonka Golaha Wakiillada  DPL.

Markuu la tashaday:  xisbiyada siyaasada DPL.

Markuu tixgeliyey  talo soo jeedinta bulshada qayba-heeda kala duwan,

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka

  1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
  2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
  3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
  4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
  5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
  6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).
  7. Xassan Caballa Xassan Xubin.

-DHAMMAAD-

 

Related posts

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Sidee RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo Howlgal ku qaarajiyey Sarkaal Shabaab ah oo horey dil loogu xukumay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---