Allbanaadir.com
NEWS

Caruus dilay aroosadii uu guursan lahaa, hooyadeed iyo dad kale oo marti ahaa (Sawirro)

Oradyahan u dhashay Thailand sidoo kalena ahaa askari hore ayaa toogtay xaaskiisa iyo saddex qof oo kale ka hor inta uusan isagu isdilin maalintii arooskiisa, sida ay booliisku sheegeen.

Chaturong Suksuk oo 29 jir ah iyo Kanchana Pachunthuek oo 44 jir ah ayaa maalintii Sabtidii isku guursaday waqooyi bari dalka Thailand.

Wararka ayaa sheegaya in ninka oradyahanka ah maalintii arooskiisa uu si lama filaan ah uga soo baxay xafladdii arooska, waxaana uu dib ula soo laabtay qori, isaga oo toogtay caruusaddii uu aroosayay, hooyadeed oo 62 jir ahayd iyo walaashiis oo 38 jir ahayd.

Rasaasta ayaa sidoo kale haleeshay laba qof oo ka mid ah dad marti ah arooska kasoo qeyb galay.

Booliska ayaa sheegay in caruuska is dilay uu cabsanaa markii uu dilka gaysanayay, waxaana uu iibsaday qoriga iyo rasaasta si sharci ah sanadkii hore.

Warbaahinta Thailand, oo soo xiganaysa qaar ka mid ah martidii xafladda ku sugnaa ayaa sheegay in lammaanaha uu muran dhex maray intii ay socotay xafladda, iyadoo ninka uu ka xumaaday inay aad ugu weyn tahay caruusadda uu guursanayey.

Isha:BBC

HOOS KA DAAWO

Related posts

Nin dadka dilaya xilli ay hurdaan iyo baadigoob loogu jiro soo qabashadiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Caydiid Ali

Xaflad aroos ay ka qeyb galeen dad badan oo lagu qabtay Hawada sare !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---