Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Xabad joojintii Israaiil iyo Xamaas oo maalmo dheeri ah lagu daray

Qatar ayaa ku dhawaaqday in la gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Gaza

Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibadda Qatar Majed Al-Ansari ayaa sheegay in muddo laba maalmood ah oo dheeri ah lagu daray xabad joojinta

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu la la hadlay ra’iisul wasaaraha Qatar iyo kan Israaiil

Masar ayaa horay u sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu kordhiyo xabad joojintii socotay afarta maalmood oo maanta ku ekeyd.

Israel Xamaas iyo Maraykanka, oo ay dhexdhexaadinayso Qatar, ayaa si firfircoon uga wada hadlaya suurtagalnimada in lagu kordhiyo xabbad joojinta afarta maalmood ah laba maalmood oo dheeraad ah.

Dhinaca kale Jarmalka ayaa sheegay inuu taageersan yahay kordhinta xabbad joojinta, isagoo intaa ku daray iney fiican tahay xabad joojinta in loo isticmaalo buundo loo marayo geeddi-socod siyaasadeed si loo helo xal waara.

Related posts

Calankii iyo magacii degaanka Soomaalida Itoobiya oo la bedelayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxey kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Danjiraha Sacuudiga u jooga Kenya

Cabdi Cade

USA iyo dalal kale oo diiday in Ukraine ku biirto NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---