Allbanaadir.com
NEWS

Muslimiinta Mareykanka lacag ku bixinaya soo qabashada nin toogtay arday muslimiin ah

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay saddex nin oo kasoo jeeda Falastiin oo deganaa magaalada Ā Burlington ee dalka Mareykanka , dhallinyaradan ayaa la toogtay xilli ay kusii jeeday goob ay casho ka doonanayeen.

Taliyaha booliiska magaalada Burlington oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ay wadaan booliiska, waxa uuna tilmaamay in ay ka shaqeenayaan sidii loo aqoonsan lahaa dambiilaha loona soo qaban lahaa.

Waxa uu sheegay taliyaha in labo kamid ah wiilashada la dhaawacay xaaladoodu hadda tahay mid wannaagsan, waxa uuna intaa ku daray in midka saddexaad oo ku jira xaalad adag lagula tacaalayo isbitaal gaar ah oo la dhigay.

Urur u dooda xaquuqda Muslimiinta kunool dalka Mareykanka ayaa cambaareeyay toogashada dhallinyaradan Muslimiinta ah , waxa ayna ugu baaqeen ciidamada booliiska in si deg deg ah usoo qabtaan dambiilayaasha lana horgeeyo caddaaladda.

Qoraal kasoo baxay Ururka u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saabsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah.

Mudooyinkii dambe waxaa kordhay naceybka muslimiinta kunool dalka Mareykanka, waxaana batay weerada iyo dhibaatooyinka kale ee gudaha Mareykanka loogu geesanayo dadka Muslimiinta ah ,gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Tuulax oo ka hadlay weeraradii maanta & tirada ilaalada kaga geeriyootay

Caydiid Ali

Fannaanad caan ah oo isaga baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

Cabdi Cade

Dekadaha Soomaaliya oo noqday dahab ay ku loolamayaan Wadamo badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---