Hogaamiye kasta oo madaxweyne ka ah dal madaxbanaan waxaa horyaala laba tijaabo oo kala ah:
Tan 1aad oo ah inuu leeyahay kartida hogaaminta ku xeeldheer siyaasadaha lagu maamulayo arrimaha gudaha, taas oo ka dhigeysa in hogaamiyaha ay ku xoogan tahay habsami u maamilida dowladiisa, taas oo ka turjumeysa waxqabadka gudaha dalka; iyo tan 2aad oo ah inuu leeyahay hogaaminta ku xeeldheer siyaasdaha diblomaasiyadeed ee lagu hogaaminayo arrimaha dibeda, taas oo ka dhigeysa madaxweynaha mid aad ugu wanaagsan xiriirka uu dalkiisu la leeyahay caalamka, balse waxaa tixgelin mudan in la garawsado in marka uu dal gudaha ka dhisan yahay ay waxtar weyn u leedahay xiriirka xoogan ee caalamka kala dhexeeya.
Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya wuxuu aad ugu wanaagsan yahay inuu leeyahay hibada uu xiriirka caalamka ugu adeegsanayo luqadda diblomaasiyadda, taas oo ka dhigtay inuu noqdo hogaamiye ay ku xoogan tahay xirfada uu ku xoojinayo xiriirka caalamka kala dhexeeya dalkiisa, balse taas bedelkeeda waxaa muuqata inuusan ahayn hogaamiye ay kartidiisu ku xoogan tahay maamulida arrimaha gudaha oo ah mida ka ahmiyada weyn tan arrimaha dibeda, maxaa yeelay siyaasdaha lagu maamulayo wax ka qabadka arrimaha gudaha ayaa ah muraayada sida rasmiga ay u tixraaceyso xiriirada caalamka ee lagu hagayo siyaasadaha diblomaasiyadeed ee arrimaha dibeda.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud ayaa qudbadii uu u jeediyey kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka 11aad ayaa wuxuu ku sheegay iney u sahlan tahay qancinta caalamka, balse ay ku adag tahay qancinta siyaasiyiinta ay taladu kala dhexeyso marka ay timaado ka gun gaarida waxqabadka masiiriga ah ee lagu meelmarinayo siyaasadaha arrimaha gudaha, kuwaas oo uu ugala jeedo xildhibaanada baarlamaanka, madaxda maamul goboleedyada, iyo siyaasiyiinta madaxabanaan oo dhexdhexaad iyo mucaardba leh.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ilaa iyo hadda uu u muuqdaa mid keligiis gudaha iyo dibedda ka jabhadeynaya, taasina waa xaqiiq aan u wanaagsaneyn nidaamka dowladnimada, waxaana keli duulnimadiisa loo fasiran karaa mid salka ku haysa laba siyaabood midood, kuwaas oo kala ah: ama inuu yahay hogaamiye aan awoodiisa cid kale dooneyn inuu u ergeeyo, sidaasna uu isagu ku doonayo inuu madal walba iyo meel walba isagu goobjoog ka noqdo; ama inuusan haysan madax ka tirsan golahiisa xukuumada oo kala shaqeysa hawlaha baaxadda weyn ee ka dhex jirta gudaha iyo dibeddaba, waxeyna taasi ay u badan tahay iney tahay tan dambe oo ah inuusan madaxweynuhu haysan hawlwadeeno uu kartidooda ku kalsoonan karo, kuwaas oo u badan saaxiibo ay kala dhaxeyso xadro diimeed.
Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com