Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Netanyahu oo booqday ciidankiisa ku sugan Magaalada Gaza (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa goobaha ay joogaan ciidanadiisa ee magaalada Qaza xilli lagu jiro maalinkii saddexaad ee xabad joojinta Xamaas miyo Israel

Netanyahu oo xirnaa koofiyada iyo jaakada rasaasta celisa ayaa kula hadlay halkaas askar, wuxuuna booqday mid ka mid ah godad dhulka hoostiisa mara oo ay laheyd Xamaas sida ay sheegeen saraakiisha Yuhuuda.

“Waxaan u joognaa Qaza annaga iyo dagaalyahannadayada geesiyaasha ah, waxaan sameyneynaa dadaal kasta oo aan ku soo celineyno dadka nalaga afduubtay, ugu dambeyntiina waan soo celin doonnaa dhammaan” ayuu yiri Netanyahu.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalka ay la leeyihiin dhowr ujeedo.

“Saddex hadaf ayaan ka leenahay dagaalkan: baabi’inta Xamaas, soo celinta dhammaan dadka nalaga afduubay iyo in la hubiyo in Qaza aysan markale khatar ku noqonin Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri

Tani waxay kusoo aadaysaa iyadoo maxaabiis isdhaafisigii saddexaad uu hadda dhacay kaas oo ay labada dhinacba xaqiijiyeen inay maxaabista iyo la haystayaashu gaareen gacanta Guddiga caalamiga ah ee bisha cas.

Related posts

Markab taagan xeebta degmada Baraawe oo hoobiyeyaal lagu weeraray

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo khasaare ballaaran geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Galmudug

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo arrin xasaasi ah kala shiray Saraakiisha XDS

Caydiid Ali
Taboola Ads ---