Xabbad-joojintii u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas ayaa gashay maalintii 3aad iyadoo Xamaas ay sii daayeen 17 qof oo kale oo ay ku jiraan 14 Israa’iiliyiin ah iyo midkii ugu horreeyey ee Maraykan ah, waana qaybtii saddexaad oo lagu sii daayo xabbad joojin afar maalmood ah oo uu Maraykanku sheegay inuu rajaynayo in la kordhiyo.
Israel ayaa sidoo kale ooda ka qaaday Maxaabiis falastiiniyiin ah oo 39 gaaraya sida uu dhigayo heshiiskii Israa’iil iyo Xamaas.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dadka ay sii deysay Xamaas uu ku jiro hal qof oo haysta dhalashada Ruushka.
War qoraal ah oo lagu soo daabacay website-ka rasmiga ah ee xamaas ayaa lagu yiri: “Iyadoo laga jawaabayo dadaalka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo qaddarinta mowqifka Ruushka ee taageerada qadiyadda Falastiin, Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa sii daayay maxbuus haysta dhalashada Ruushka.”
Qaar ka mid ah la haystayaasha ayaa si toos ah loogu gacan geliyey Israa’iil, halka qaar kalena ay tageen Masar. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in mid si toos ah loogu qaaday isbitaal. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in haweeneyda da’da ah ee dalkaas u dhalatay ay aad u xanuunsaneyso ayna u baahan tahay gargaar caafimaad oo degdeg ah.
Dadka la qafaashay ayaa da’doodu u dhaxaysaa 4 ilaa 84 jir waxaana ku jirtay Abigail Edan, oo ahayd gabadh 4 jir ah oo waalidkeed lagu dilay weerarkii Xamaas ee 7dii Octoobar “Waxa ay u adkaysatay wax aan la malayn karin,” ayuu yiri Biden. Markii ugu horeysay ee Mareykan ah ayaa la sii daayay, isagoo intaa ku daray in uusan ogeyn xaaladda ilmaha balse uu xaqiijin karo in ay si nabad ah ku joogto Israa’iil.
Waxaa uu xusay inuusan helin wax war ah oo ku saabsan la haystayaasha kale ee Mareykanka wuxuuna sheegay in ay tahay hadafkiisa in uu kordhiyo heshiiska xabbad joojinta ilaa inta ay suurtagal tahay.
Sii daynta qaar ka mid ah la haystayaashii la qabtay markii dagaalyahanada Xamaas ayaa la filayaa inay ku ekaato Isniinta beri ah oo ah maalintii ugu dambeysay ee Xabad joojinta.
Biden waxaa uu sheegay in uu rajaynayo joojinta dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas inuu socon karo ilaa inta maxaabiista la sii deynayo. Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dad badan oo Maraykan ah ay sii dayn doonaan Xamaas inkastoo aanu war sugan hayn.