Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qatar oo bilowday dedaal lagu kordhinayo xiliga xabad joojinta Xamaas & Israel

Qatar ayaa sheegtay iney rajaynayso in la kordhiyo xabbad joojinta Israel iyo Xamaas oo lagu heshiiyey afar maalmood.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed Al-Ansari ayaa sheegay iney wadaan dedaalo lagu kordhinayo mudada xabad joojinta si loo sii daayo maxaabiis dheeraad ah gargaarkana loo badiyo.

“Waxaan rajaynaynaa kordhinta mudada heshiiskan afarta maalmood ah, sidaas darteed waa inaan si dhab ah uga doodno inta ka harsan la haystayaasha,” ayuu yiri.

Al-Ansaari ayaa sheegay inuu sii wadayo la shaqeynta madaxda sare ee Qatar si wax looga qabto tabashooyinka ka imaanaya labada dhinac ee iska horimaadka u dhexeeya ee la xiriira dhaqan gelinta heshiiska.

“Dhexdhexaadinta noocan ah, waxaad mar walba heli doontaa labada dhinac oo sheegaya in dhinaca kale uusan u hoggaansamin heshiiskii,” ayuu yiri Al-Ansari oo intaas ku daray in aanu xaqiijin karin in dad Maraykan ah la sii dayn doono maalinta saddexaad ee xabbad joojinta.

“Liiska waxaa la keenaa maalin kasta. Hadda waxaan fileynaa liiska maalintii saddexaad. Nasiib darro, ma ogaan karno cidda ku jiri doonta liiskaas ka hor,” ayuu yiri.

Afhayeenka wasaaradda ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay la shaqeyneyso saaxiibada Masar, Mareykanka, iyo labada dhinac ee iskahorimaadka u dhexeeya si loo xaqiijiyo tirada lagu heshiiyey ee baabuurta xamuulka ah ee gargaarka ah in loo ogolaado Gaza.

 

Related posts

Faah faahino kasoo baxaya Qaraxii labaad ee ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Muxuu Uhuru Kenyatta Gooni Ugula Faqay Erdogan Maxaase Farmaajo Ka Baajiyey Madasha?

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade