Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka ku dhaqan Deegaannada Al Shabaab joogaan oo digniin adag loo diray

U qaabilsanaha madaxweynaha Soomaaliya ciidamada deegaanka ee Macawuusleyda Cali Jeyte Cusmaan ayaa digniin adag u diray dadka shacabka ah ee kunool deegaannada ay wali kataliyaan kooxda Al Shabaab.

Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee jooga deegaannada Al Shabaab maamulaan in ay isaga baxaan, waxa uuna ku hanjabay haddii aysan sidaasi sameyn in iyaga iyo Al Shabaab isku si loo dili doono.

“Qof kasta oo ku nool meel Shabaab joogo, waxaan ula dhaqmi doonaa sidii Shabaab, waa la i duqeeyey ma dhihi kartaan, cid inka dhageysa doontana ma jirto, ka fogaada oo lafihiina ka ceynsada, nooma kala soocna Shabaab iyo wixii la nool,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaana si gaar ah ugu digay dadka ku dhaqan deegaanno hoostaga degmada Buulo Burte oo la sheegay in Al Shabaab joogaan, waxa uuna mar kale ugu baaqay dadka shacabka ah in ay isaga fogaadaan goobaha ay joogaan kooxda Al Shabaab.

“War waa idiin digayaa, hadii aad doontaan hala dagaalinina ee ka fogaada nimankaas, waxaana ku dhaaranayaa ninkii Shabaab la jooga kama reebi doono waa noola mid ‘Shabaab warkiisa waxaan ku soo koobayaa waxay horay u gashadeen kabaha iyo surwaalkooda, ana waxaan ka daba wataa Feynuus,” ayuu yiri Cali Jeyte

Hoggaamiyaha Macawuusleyda ayaa sheegay in Al Shabaabka ku sugan deegaanno hoostaga Buula Burte beelaha halkaasi degan u sheegeen in aysan iyagu u socan, waxa uuna uga digay beelahaasi in ay aqbaal warka Al Shabaab uu been ku tilmaamay.

Digniintan uu bixiyay hoggaamiyaha macawuusleyda ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in dalka ka bilowdo howlgalo la doonayo in mar kale Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin ay ka joogaan Galmudug iyo Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo loogu deeqay aduun gaaraya 18 milyan oo dollar & Wasiir Axmed oo ka hadlay

Caydiid Ali

Geelle oo xirxiray Saraakiil ka tirsan ciidanka Jabuuti oo looga shakiyey afgembi

Caydiid Ali

Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu celiyey dalka Turkiga ka db markii..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---