Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay kulan yeeshaan Baarlamaanka Puntland , ajandaha kulanka maanta ayuu qorshuhu ahaa ka doodista xeerka doorashooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay.
Sida aan ku helnay xogo lagu kalsoonaan karo ajandaha kulanka maanta ayaa gabi ahaanba laga saaray xeerka muranka badan ka taagan yahay ee doorashooyinka, kaa oo laga cabasaday in xaaladaha hadda taagan uga sii daro.
” Ajandaha Fadhiga maanta waa laga tuuray qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, laguma soo qaadi doono gebi ahaanba kulanka maanta” ayaa laga soo xigtay xildhibaanno katirsan baarlamaanka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.
Tallaabadan ay qaadeen Baarlamaanka Puntland ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.
Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com