Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Ruushka oo gargaar culus ugu deeqday Soomaaliya (Sawirro)

Danjiraha Ruushka u fadhiya Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoonsiiyaan markab sida gargaar cunto.

Markabkaasi ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha soo socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.

Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.

Safiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).

Related posts

Dad ka badan 100-qof oo ku dhintay Dagaal dhax maray dad Dahab qodanayay

Cabdi Cade

Daawo: Sida quruxda badan ee Madaxweyne Qoor-qoor ee loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney xanibtay gargaar loo waday gobolka Gedo

Caydiid Ali