Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dib u dhac ku yimid sii deynta qeybtii labaad ee Maxaabiista Xamaas (Sababta)

Kooxda labaad ee la haystayaasha ah ee ay Xamaas sii dayn lahayd ayaa Sabtidii maanta ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka dib muran ku saabsan xaddiga gargaarka ee soo gelaya Gaza, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Israa’iil.

Xamaas ayaa sheegtay inay sugeyso gawaari badan oo gargaar ah inay galaan deegaanka ka hor inta aysan fududeyn wareejinta, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay telefishinka Aljazeera

Mas’uul u hadlay Masar ayaa mar sii horreysay sheegay in 340 baabuur oo kuwa gargaarka ah ay ka soo galeen dhinaca Masar, balse aysan illaa hadda soo gaarin dhinaca Gaza, maadaama ay tahay inay Israa’iil baarto inta aan la fasaxin

Afhayeen u hadlay xadka Rafah ayaa CNN u sheegay in 133 baabuur ay galeen Gaza ilaa maanta iyadoo balantu aheyd iney galaan 200 oo baabuur maalin kasta.

Mar wax laga weydiiyay dib u dhaca, afhayeenka ciidamada difaaca Israel Lt. Col. Richard Hecht waxa uu sheegay oo kaliya in ay tahay hannaan farsamo oo gaabis ah.

“Waqti ayay qaadan doontaa, waxaana dhammaanteen sugeynaa in tani ay horay u socoto,” ayuu yiri Hecht .

Horaantii maanta, Hecht ayaa CNN u sheegay inuu rajaynayo in 13 la haystayaal la sii daayo guud ahaan, taasoo lagu beddelayo 39 maxaabiis falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa sheegtay iney sii deyn doonin la heystyaasha qeybtooda labaad inta laga soo dhameystirayo tiradii lagu heshiiyey ee gaadiid gargaarka.

Related posts

Ma sii wadanayaa shaqadiisa Wakiilka QM ee Somalia Nicholas Haysom (Daawo Muuqaal)

admin

PSF” Garoonka diyaaradaha Boosaaso cid gaar ah uma xirnaan doono ”

Cabdi Cade

Ciidanka Itoobiya oo bilaabay iney ka baxaan dhul ay muddo dheer xoog ku heysteen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---