Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Miletariga Israel oo tacshiirad ku furay gaadiid ay wateen ciidanka Q/Midoobay

Gaadiid roondo ah oo ay Qaramada Midoobay leedahay ayay waxyeelo ka soo gaartay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen ciidamada nabad ilaalinta UNka ee halkaas ku sugan

Gaadhi ay leeyihiin ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa xili uu roondo ku jiray waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegtay UNIFIL.

Falkan ayaa dhacay abaaro 12:00pm ee maanta  wakhtiga maxaliga ah aagga Aytaroun, ee koonfurta Lubnaan sida ay UNIFIL ku qortay qoraal ay soo dhigtay barta X oo hore loo odhan jiray Twitter.

“Dhacdadani waxay dhacday xilli xasillooni ay ka jirtay khadka Buluugga ah,” ayay tiri QM oo intaas ku dartay inaysan jirin wax nabad-ilaaliyeyaal ah oo ay waxyeello kasoo gaartay.

Madaxa howlgalka iyo taliyaha ciidamada, Maj. Gen. Arolodo Lázaro Sáenz, ayaa ku booriyay dhinacyada isku weydaarsanaya rasaasta Khadka Buluugga ah inay joojiyaan.

“Weerarkan lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta, oo u heellan yareynta xiisadaha & dib u soo celinta xasilloonida koonfurta Lubnaan, waa mid aad u dhib badan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay UNIFIL.

UNIFIL oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso “falkaas” waxayna si adag u xasuusisay dhinacyada isku haya halkaas ee Xisbillah iyo Israel  waajibaadka ka saaran ilaalinta nabad-ilaaliyeyaasha iyo ka fogaanshaha inay khatar geliyaan ragga iyo dumarka ka shaqaynaya soo celinta xasilloonida.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay ka war hayaan dhacdadan ayna baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Iska horimaadyada iyo duqeymaha xadka Lubnaan ku dhexmaraya ciidamada Israel iyo kooxda Xisbullah ayaa sii kordhay tan iyo markii Xamaas ay weerartay gudaha dhulka ay Israel xoogga ku qabsatay 7-dii Octobar isla markaana ay ciidamada Yuhuuda oo ka jawaabaya arrintaas ay weerar cir, dhul iyo bad ah ku qaadeen magaalada Gaza.

Related posts

Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

Caydiid Ali

Mataanayaal wacdaro ka dhigay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidan iyo fashil ku yimid

Cabdi Cade