Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sultan bin Saad Al Muraikhi oo Warqadaha ka gudomay safiirka cusub ee Somalia

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Qatar ayaa gaaray magaalada Doha, iyadoo laga guddoomay waraaqihiisa Aqoonsiga danjirenimo.

Maxamed Axmed Doodisho ayaa si rasmi ah maanta waraaqhiisa aqoonsiga ugu gudbiyay madaxda dalka Qatar, waxaana ka guddoomay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Wasiirkii Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hadda noqday Safiirka ayaa dhowaan loogu hambalyeeyay magacaabidda Danjirenimo, iyadoo aanay si rasmi ah u soo bixin magacaabidiisa.

Waxaa sidoo kale jira safiiro kale oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida Safiirka cusub ee Kenya Jibriil ibraahim Cabdulle oo isna dhowaan ku wajahan magaalada Nairobi.

Xassan Shiikh ayaa sanad iyo bar kadib magacaabay safiiradii ugu badnaa ee Soomaaliya oo bedelaya kuwii uu hore u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Taliye Ciidan oo lagu dilay Garawe iyo Ninkii dilay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo dib ugu soo laabtay dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay xaafad katirsan Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---