Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay iney kordheen dadka ku dhintay fatahaadaha & daadadka ka socda dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa soo saartay tirakoobkii ugu dambeeyey dadka ku naf waayey roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in Daadadka iyo Fatahaadaha dadka ku geeriyooday ay marayaan 96 Ruux.

Waxaa uu sheegay in 28 ka mid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay ka dib markii ay Al-shabaab u diideen meel ay ka baxaan sida uu yiri.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey Fatahaadaha iyo Daadadka ay gaysteen, isagoo ka digay Roobab la filaayo todobaadyada soo socda.

Waxaa uu sidoo kale xusay in daadadka ay geysteen khasaaroyin kala duwan oo ay ka mid yihiin xoolo afar kun gaaraya oo ay qaadeen, boqolaal guri oo ku burburay iyo dhibaatooyin kale.

HOOS KA KA DAAWO HADALKA

 

Related posts

Dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo arrimo yaab leh kala hadlay danjiraha Kenya u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---