Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midkee Somalia u faa’iido badan Madasha Bariga Afrika (EAC) & Jaamacadda Carabta?

Madaxweyne Mudane Dr. Hassan Sheekh Maxamaud ayaa ku daray Soomaaliya iney ka mid noqoto Beesha dhaqaalaha Bariga Afrika, meesha Janaraal Maxamed Siyad Barre (AUN) uu 1974 uu ku daray Soomaaliya iney ka mid noqoto ururka midowga wadamada Carabta, waxaana aan soo dhoweynayaa ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika, sidoo kalana waxaa mustaqbalka dhow aan rajeynayaa in Soomaalida ay si cad ugu kala cadaan doonto labadaas urur oo ay xubinta ka wada tahay Soomaaliya mida ay Soomaalida ugu jirto maslaxad wanaagsan.

Xiligii ay Soomaaliya ku jirtey dagaalada sokeeye ayey dadka Soomaalida ee u qaxay wadamada Bariga Afrika ayaa waxey ka heleen iney u ogolaadaan iney ku noolaadaaan xerooyin qaxooti oo ay wadamadooda uga dhex fureen, taas oo horseeday iney caalamka reer galbeedka uga heleen magangeliyo siyaasadeed, meesha dadka Soomaalida ee ka shaqeysanayey wadamada Carabta kuwooda dhaqaalaha badan ay dalalkooda ka soo tarxiileen, welibana ku soo celiyeen Soomaaliya oo xaalad adag oo bini aadaminimo ay ka jirto, hasayeeshee isla markaasna diidey iney qaabilaan qaxootiga Soomaaliyeed kadib marka loo soo bandhigay iney qeyb ka qaataan dib ugu dejinta dalalkooda.

Waxaad arkeysaa dad Carabnimadu la weyn tahay oo saluugsan wax la qeybsiga wadamada Afrikaanka, iyagoo liidaya ka mid noqoshada isbaheysiyada ka dhexjira qaaradda Afrika oo uu dalkeenu ku dhex yaalo, waana wax la qiyaasi karo in dadka nuucaas u fekeraya ay aragtidoodu salka ku hayso sinji iyo isir ahaan oo ay isugu maa’weelinyaan iney ka soo jeedaan Carabta, iyagoo male-awaalkaas cuskanayana raba iney iska fogeeyaan wax walba oo ku daraya ama ay la wadaagayaan siyaasadaha dhaqan-dhaqaale ee ka dhex jira wadamada Afrika.

Dadka Mareykanka oo boqolaal sano ka hor ka soo haajirey jaziirada Ingriiska ayaa aad uga xanaaqa marka loogu yeero ama lagu tilmaamo iney yihiin Ingriis, waxeyna ku adkeysanayaan iney yihiin Mareykan ka sinji duwan Ingriiska, waxeyna ka xun yihiin in lala xiriiriyo dhalashada Ingriiska, maxaa yeelay waxey rumeysan yihiin in dhiigi awooweyaashood uu doorsoomay oo boqolaal sano kadib aysan ahayn Ingriis kadib markii uu is dhexgal badan uu dhexmaray jinsiyo kala duwan sida, yuhuuda, Afrikaanka, Calibeysteenka, jarmalka, Ruushka, Fransiiska, Talyaaniga, Isbaanashka, Iskandanefiyaanka, Carabta, iyo sinjiyada ka soo jeeda indhoyarta degen Aasiya, sidaas daradeed ayey ku diidan yihiin in loogu yeero jinsiyada Ingriiska.

Dadka degen Soomaaliya oo ku midoobey magaca Soomaalinimada ayaa sidoo kale isir ahaan ka soo kala jeeda isdhexgal ka dhashay qowmiyado kala sinji duwan, haddana qabiilo ka dhex dhashay isdhexgalkaas dib isugu sii milmay, taas waxey meesha ka saareysaa sinji hore oo qarniyo dabadeed si weyn isku dhalanrogey, sidaas daradeedna aysan Soomaalida u habooneyn iney sheegtaan carabnimada oo ay weliba ku faanaan iney ka soo jeedaan isirkaas dhumay, balse hadda looga baahan yahay iney iimaansadaan jinsiyadooda Soomaalinimo oo ka tirsan qowmiyadaha ku nool Afrika. Ha hilmaamin taaariikh ahaan in Itobiya, Israel, Sudan, Masar, Libiya, iyo Falastiin ay dhamaantood wada sheegtaan In Soomaalida ay isir ahaan ka soo jeedaan wadamadooda.

Waxaan shaki lahayn in Madaxweyne Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud uu baal dahaba ka galay taariikhda Soomaalida kadib marka uu Soomaaliya geliyey ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika oo uu dadaal badan u galay sidii uu uga miro dhaln lahaa hadafkaas Soomaalida waxtarka weyn u leh, isla markaasna noloshooda wax ka taraya rubac malyuunka Soomaaliyeed ee wadamadaas ka ganacsada iyo qaxootiga milyanka ku dhow oo wadamadaas xeryaha qatoogiga ka furan ku dhex nool, waxaan intaas u sii dheer iney daryeel gaar ahaneyd ay ka helayaan wadamadaas dhamaan qoysaska Soomaalida ee ku nool wadamada reer galbeedka oo amni ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan iyo nolol ahaanba doonaya iney dib ugu soo noqdaan si ay u degaan wadamadaas.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xarigga ka jaray xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Jibriil C/rashiid oo raali gelin bixiyey ka dib cadaadis kaga yimid Ra’isul Wasaaraha

Caydiid Ali

Mareykanka oo duqeeyey saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ilaalada kacaanka Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---