Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in Daadadka iyo Fatahaadaha dadka ku geeriyooday ay marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Khawaarijtu u diideen meel ay ka baxaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey xaladihii ugu danbeeyey Fatahaadaha iyo Daadadka ay gaysteen, isaga oo ka digay Roobab la filaayo.
Inta badan maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay Jimcihii waxay ka yimaadeen Daanta Galbeed ee la haysto, sida lagu sheegay xog uu soo ururiyay ururka maxaabiista Falastiiniyiinta iyo maamulka xabsiga Israa’iil.
Wadar ahaan, Israa’iil ayaa sii deysay 39 maxbuus falastiiniyiin ah oo ay ku beddeshay 13 Israa’iili ah oo la haystay, iyadoo xabbad joojin afar maalmood ah oo qorshaysan ay socoto maalintii labaad
Sida xogta lagu sheegay, toban wiil oo toddoba iyo toban jir ah, afar wiil oo lix iyo toban jir ah iyo laba siddeed iyo toban jir ah ayaa la sii daayay Jimcihii. Shan ka mid ah wiilasha ayaa horay loogu riday xukun halka inta soo hartayna lagu hayay xabsiga.
13 ka mid ah wiilasha ayaa ka yimid Daanta Galbeed ee la haysto, halka labo kalena ay ka yimaadeen magaalada Qudus, sida xogta lagu sheegay.
12-haween ah oo da’doodu tahay labaatan jir, saddex dumar ah oo soddon jir ah, saddex kale oo afartan jir ah iyo hal siddeed iyo toban jir ah iyo mid iyo kontan & saddex jir ah ayay ka kooban yihiin haweenka la sii daayay.
Sagaal ka mid ah haweenka la sii daayay ayaa ka yimid Jerusalem halka shan iyo tobanka kalena ay ka yimaadeen Daanta Galbeed ee la haysto. Shan ka mid ah haweenka ayaa horay loogu riday xukun halka inta kale lagu hayay xabsiga.
Falastiiniyiinta la sii daayay ayaa la kulmaya dabaaldegyo iyagoo dib ugu laabtay magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii daanta galbeed.
14 la haystayaal Israa’iiliyiin ah ayaa lagu wadaa in la sii daayo Sabtida sida uu sheegay sarkaal Israa’iili ah oo yaqaan liiska magacyada Israel loo dhiibay habeenkii Jimcaha.
Adeegga Xabsiyada Israa’iil ayaa sidoo kale in Sabtida maanta ah la sii deynayo 42 maxbuus falastiiniyiin ah taasoo ah qeybtii labaad tan iyo markii heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu bilowday.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa hadda aaminsan in 213 qof lagu haysto Gaza ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.