Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabt
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee ku aaddan shirka isbeddelka cimillada ee COP28 iyo qorshooyinka cadcad ee Soomaaliya shirkaasi la tagaysi, si wax looga qabto dhibaatooyinka isbeddelka cimilada adduunka ku keenay dalkeena
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com