Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo amray in laga guuro dhul kuyaalla magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ku amray dhammaan, dadka dagan dhulkii dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha ciidanka booliiska ee degmada Wadajir, ka soo horjeedka dhismaha 6-piano una dhaxeysa siliga Mareykanka iyo Isbitaal Banaadir.

Booliiska ayaana ku wargaliyay dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi in ay ku banneeyaan muddo labo bilood gudaheeda oo bilaabaneysa maanta oo ah 25-ka November 2023 kuna eg 25 January 2024.

Qoraalka kasoo baxay taliska booliiska ayaa lagu sheegay in xarumahan dowladda ee dadka laga saarayo lagu qabanayo adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen oo baahi weyn loo qabo xilign , sida booliiska tilmaameen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka Fahantay in Farmaajo yiri “Baarlamanka ayaan kula noqonayaa wixii aan kula sheekeystay Saaxiibadey”

admin

Cabsi soo wajahday shacabka Israel ka dib hanjabaadii ka soo yeertay Iran

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Munaasabad weyn oo loo qabtay Arday ka qalin jabisay Jaamacada Jazeera

Cabdi Cade
Taboola Ads ---