Allbanaadir.com
NEWS

Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo la xiray kaddib ammar dowladda kasoo baxay

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan taliska ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa ammaratay goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho in ay xirtaa kaamirooyinka loo yaqaan CCTV.

Ammarkan ayaa durba ka hirgalay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana hadda furan oo magaalada ka shaqeenaya goobaha ganacsi ee u hoggaansamay ammarka dowladda, halka ay xiran yihiin goobaha kale aan wali xiran.

Waxaa maalintii labaad xiran qaar badan oo kamid ah goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa oo kadib dhacay ammarkii ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka wax duuba ee CCTV.

Ganacsato nala hadlay oo ku sugan degmada Dayniile ayaa noo sheegay in saakay inta badan xiran yihiin goobaha ganacsi, waxa ayna xuseen in lagu amray in kaamirooyin xirtaan ama goobahooda ganacsi albaabada u laabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho gabi ahaan lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, si loogala socdo goobahaasi falal dambieedyada ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Gantaalo ka yimid Siiriya oo ku dhacay Israaiil & xiisada Bariga dhexe oo..

Caydiid Ali

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo fuliyey Mashruuc Indho fiiqis & Daweyn Bilaash ah

Caydiid Ali

Ruushka oo Shaaciyay in Dagaalka 3-aad ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---