Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira halis ku tahay amniga Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo kaashaneysa Hey’adda Qaxootiga Qaranka ayaa Muqdisho kusoo bandhigtay Ballanqaadyada dowladda ee ku aaddan Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo khudbad kooban kajeediyay madasha ayaa waxaa uu sheegay in arrintan ay ka qeyb ka tahay ka go’naanshiyaha dowladda ee xal u helidda barakaca isaga oo yiri “Ballanqaadyadani waxaa ay ka tarjumayaan ka go’naanshiyaha dowladda ee xal fog in loo helo arrimaha barakaca baahsan ee ay sababtay isbadalka cimiladu”.

Dhanka kale mudane Fiqi waxaa uu xusay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira ay sababtay xaalad banii’aadnimo, sidoo kale ay halis ku tahay amniga qaranka, yoolka SDG, ayna dhimeyso dagaalka lagula jiro argigixisada “Waddankeenu waa mid aad ugu nugul isbadalka cimilada, duufaanka El Niño oo geysanaysa dhibaato naf iyo maal ah taas oo sii kordhineysa barakaca baahsan oo markii horeba aan la daalaadhaceynay, iyada oo 3 milyan ay barakac ahaayeen ay hadda El Niño ku biirisay hal milyan oo kale, weliba khatarta ay sii socoto”.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu carabta ku dhuftay in ballanqaadyadani ay Soomaaliya horgeyn doonto shirar caalami ah “Ballanqaadyadaan waxaa aan la tagi doonnaa shirka caalamiga ah ee cimilada ee COP28, si gaar ah maalinta bini’aadanimada ee 3-da Dec, Sidoo kale waxaan ka qeyb-galaynaa isla markaana shir guddoomin donnaa shirka arrimaha qaxootiga ee GRF, taas oo ku muujinayno kaalinta Soomaaliya ee ka jawaabista adduunka ee qaxootiga, iyo sida dowladda Soomalaiya ula falgaleyso shuruucda caalamiga ah ee qaxootida iyo xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya waxa ay mas’uuliyadda la qeybsanaysaa waddamada gobolka ee IGAD, kuwaas oo martigaliya qaxooti Somaaliyeed, sidoo kale, annga waxaan rabnaa in IGAD iyo adduun weynaha nala qeyb-sadaan mas’uuliyadda barakaca, iyo martagalinteenna qaxootiga waddamada dariska ah.

Soomaaliya oo geynaysa ballanqaadyadaan shirka arrimaha qaxootiga adduunka waxa ay sidoo kale ka dhigan tahay mas’uuliyadda dowladda Soomalaiya ee adduunka iyo in Soomaaliya loo muujiyo isbagarab istaag maadaama ay la tacaalayso barakac gudaha ah iyo martigalinta qaxootiga waddamada dariska nooga yimaada”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qaramada Midoobay oo soo jeedisay in lakala qeybiyo Saxaraha Galbeed

Cabdi Cade

Doorashada Kursi ka banaan Baarlamaanka oo ka socotay Muqdisho oo Foodo kusoo dhamaatay

Cabdi Cade

Ciidamada NISA oo xiray xarunta ugu weyn Shirkadda Hormuud iyo Xildhibaano si adag …

Cabdi Cade