Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ka hadlay furitaanka kalfadhigga afaraad ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Aadan Madoobe ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh doorkii uu ka qaatay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,waxa uuna sheegay dagaalka socda in ay qeyb ka yihiin xildhibaannada labada aqal ayna tageen furimaha hore ee dagaalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labo xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ku dhaawacmeen dagaalka dalka looga xureynayo kooxda Al Shabaab.
“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya markan ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxda Al Shabaab,waxa uuna cadeeyay in xildhibaannada baarlamaanka ay naftooda u hurayaan sidii cadawga looga adkaan lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com