Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Shiinaha oo Fiiso bilaash ah siineysa muwaadiniinta kasoo jeeda lix dal

Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin hor leh oo ay kusoo jiidaneyso dadka dalxiiska iyo arrimaha kale u tagaya dalkeeda, waxa ayna marka fiiso ama (dal ku gal) bilaash ah muddo sannad ah siisay muwaadiniinta kasoo jeeda lix dal.

Shiinaha ayaana qiimeyn kaddib u oggolaaday muddo sannad ah in dalkooda fiiso bilaash ah ku siinayaan  muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Holland, Spain & Malaysia.

Muwaadiniinta kasoo jeeda lixdan waddan ee fiisaha Shiinaha si bilaash ah loo siinayo ayaa dalkaasi tagi kara xilliga ay rabaan laga bilaabo bisha December ee sannadkan ilaa laga gaaro bisha December ee sannadka 2024.

Go’aankan kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaana kordhineysa muwaadiniinta kasoo jeeda lixdan dal ee dalxiiska iyo arrimaha kaleku tagaya dalka Shiinaha muddada sanandka ah ee heestaan fiisaha bilaashka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad sharafyo guddoonsiiyay xulka 17 jiradda (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre oo goordhaw safar uga ambo baxay Muqdisho iyo Xog ku aadan Halka uu aaday (Sawirro )

Cabdi Cade

Booliska Jarmalka oo xiray haweeney ninkeeda u dishay sabab yaab leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---