Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaaraha dal kuyaalla Yurub oo Shaaciyay in ay aqoonsanayaan dowlad Falastiin

Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Pedro Sánchez, ayaa si aan ganbasho laheyn u cadeeyay in dalkiisa aqoonsanayo dowlad ay yeeshaan dadka reer Falastiin, waxa uuna sheegay in Falastiin xaq u leedahay in ay noqoto dowlad madax bannaan.

Pedro Sánchez ayaa si cad u sheegay in Dalkiisa uu noqonayo waddanka ugu horreeya ee Qaaradda Yurub dhaca ee aqoonsada dowladda Falastiin xitaa haddii ay diidaan dalalka kale ee xubnaha ka ah EU-da.

Ra’isul Wasaaraha dalka Spain ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Yahuuda Israel in magaalada Gaza ka geesteen dambiyo dagaal, waxa uuna xusay in magaalada Gaza ku laayeen dad badan oo shacab ah ay ku jiraan haween iyo carruur.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha dalka Spain waxaa si weyn uga carrooday maamulka Israel, kuwaa oo la sheegay in ay u yeereen safiirkooda si ay wax uga weediiyaan hadalka Ra’isul Wasaaraha.

Waddamada reer Galbeedka ayaa intooda badan Israel ku taageeray duullaanka gardarada ah ay ku qaadeen dhulka Falastiin iyo xasuuqa ay ka wadaan magaalada Gaza ay ku dileen dad ka badan 13-kun qof isbuucyo gudihiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh: “Xariga Suxufiyiinta waa calaamad muujineysa dhaqan keli-talisnimo”

Caydiid Ali

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Shaacisay lacagta lagu iibiyay kalluun ay ka dhigeen Ajaaniib

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Imaamka Al-Azhar kala hadlay labo qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---