Dagaalyahannada Xamaas ayaa sii daayay 24 la haysteyaal ah galabta illaa caawa maalintii koowaad ee xabbad joojintii ugu horreysay ee dagaalka, kuwaasoo ay ku jiraan haween iyo carruur Israa’iili ah iyo dad kale oo ajaaniib ah.
La-haystayaasha ayaa laga soo wareejiyay Qaza, waxaana lagu wareejiyay mas’uuliyiinta Masar ee ku sugan isgoyska Rafah, iyadoo ay la socdaan 8 ka mid ah shaqaalaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) oo wata kolonyo afar baabuur ah.
Qatar, oo dhexdhexaadin ka ahayd heshiiska xabbad joojinta, ayaa sheegtay in 13 Israa’iiliyiin ah la sii daayay, oo qaarkood ay laba dhalasho haystaan, waxaa sidoo kale la sii daayey 12 qof oo u kala dhashay dalalka Thailand iyo Filibiin.
Sidoo kale Soddon iyo sagaal haween iyo carruur Falastiiniyiin ah ayaa laga sii daayay xabsiyada Israel kuwaasoo la geeyey magaalada Gaza
“Waxaan hadda soo gabagabeynay soo celinta qeybtii ugu horeysay ee la haystayaasha oo ka kooban carruur, hooyooyinkood iyo haween kale, waxaana naga go’an inaan soo celinno dhammaan dadka la haysto. “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Magacyada la haystayaasha Israel ayaa la shaaciyey ka dib markii la sii daayey Waxay isugu jireen afar carruur ah oo ay la socdeen afar qoys, iyo shan kale oo haween da’ ah.
Milatariga Israel ayaa sheegay in la haystayaasha la sii daayay ay qiimayn caafimaad oo bilow ah ku mareen gudaha dhulka Israel ka hor inta aan loo qaadin Isbitaalada Israel si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Sida ku cad shuruudaha afar maalmood ee xabbad joojinta Israel iyo Hamas, 50 haween iyo carruur ah ayaa la sii dayn doonaa afartaas maalmood, taas beddelkeeda waxa la fasaxayaa 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ka mid ah kumanaan maxaabiis ah oo ku jira jeelasha Israel.
Israa’iil waxay sheegtay in xabbad joojinta la kordhin karo haddii la sii daayo la haystayaal badan oo 10 ah maalintii.
Dadka la sii daayay Jimcihii ayaa lagu beddeshay 24 dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo xidhnaa iyo 15 dhallinyaro ah.
Ilo xog ogaal ah oo ka hadlay wada xaajoodka ayaa sheegay in sii deynta shaqaalaha Thailand oo dhamaantood rag ahaa aysan wax xiriir ah la laheyn wadahadalka xabad joojinta, waxaana la raacay waddo gooni ah oo ay dhexdhexaadinayaan Masar iyo Qatar.
Shaqaalaha beeralayda ah oo u dhashay Thailand iyo Filibiin oo ka shaqayn jiray koonfurta Israel ayaa ka mid ahaa ilaa 240 la haystayaal ah oo ay dableydu ku heysteen Qaza markii dagaalyahanada Xamaas ay qaadeen weerar 7-dii Oct.
Ra’iisul wasaaraha Thailand Srettha Thavisin ayaa barteeda bulshada ku sheegtay in 12 ka mid ah shaqaalaha Thailand la sii daayay.
Horaantii Jimcihii, dagaalka u dhexeeya ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Xamaas ayaa istaagay markii ugu horreysay muddo 7 usbuuc ah.
Lama soo sheegin qaraxyo waaweyn, weerar madaafiic ah ama gantaallo, inkastoo Xamaas iyo Israa’iil ay labaduba midba midka kale ku eedeeyeen rasaas teel teel ah iyo xadgudubyo kale. Labaduba waxa ay sheegeen in dagaalku uu si buuxda u bilaaban doono isla marka uu dhamaado xabbad joojinta.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA