Allbanaadir.com
NEWS

Garoon diyaaradeed oo loo sameeyay ciidamada howlgalka ka fulinaya Galgaduud iyo Sh/Dhaxe (Sawirro)

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu garab istaagayo ciidamada ku sugan jiida hore Ee dagaalka, gaar ahaan goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe.

Deegaanka Wargaadhi oo qiyaastii 55 KM u jirta degmada Cadalle ee gobalka Sh/Dhaxe ayaa lagu dhisayay garoon diyaaradeed oo ay ku degaan Diyaaradaha caawinaya ciidamada XDS, garoonkaan waxaa looga maarmi doonaa in askarta ku waxyeelooba howlgalka iyo furimaha dagaalka in diyaarad laga soo saaro degmada Cadalle jidkana ay ku dhiig baxaan.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa deegaanka Wargaadhi u diray guddi kormeera shaqada garoonka ee halkaasi laga bilaabay, waxaana hadda la dhisay goob ay ku degaan diyaaradaha yar yar in kastoo garoonkaas uu noqon doono mid muhiim ah.

Sidoo kale waxaa goobta laga dhisayaa Isbitaal, waxaana la geyn doonaa dhaqaatiir si gargaar deg deh ah ay askarta ku dhaawacanta  howlgallada u helaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xiray Kulan-wadareedka Golaha Xukuumadda (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Mareykanka oo si adag uga hadashay Dagaalka wali ka socda Laascaanood

Cabdi Cade

Xisbullah oo dayuurad dagaal ka soo riday Israa’iil iyo Wararkii u dambeeyey Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---