Allbanaadir.com
NEWS

Nin muddo lix bil ku dhex noolaa mool gudihiisa oo aan la fahmin iyo sida ay ku dhacday!

Mool ku yaalla magaalada Shanghai ayay ilaaladiisu dhaadi waayeen nin muddo lix bilood ah ku dhex noolaa mid kamid ah jaranjarooyinka hoostooda. Saxaafadda Shiinaha ayaa tebinaya sheekada da’yarkaas oo si raaxo leh isaga dhex noolaa jaranjaro hoosteeda oo ku taalla mool kamid ah kuwa ugu waaweyn Shanghai.

Moolashu inta badan waa meelo mashquul iyo ciriiri badan, ilaaladuna qof kasta ma wada siin karaan dhugashadii loo baahnaa. Balse muddo lix bil inuu qof isaga dhex noolaado mool gudihiisa, waxay diraysaa sheeko kale!

Ninkan da’yarka ah ayaa maareeyey muddo lix bil inaan laga aqoonsan socotada caadiga ah oo uu isaga dhex jiro. Waxaa yaab leh inuu teendho yar oo uu dhex seexdo keensaday; waxaa kale oo uu sameystay kuris iyo miis uu wax ku daawado. Wuxuuna muddadaas lixda bilood ah korontada ka isticmaalayay fiilo koronto kamid ah kuwa moolka!

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya ninkan oo si degani ku jirta isaga dhex nool jaranjarada hoosteeda oo aan wax dareen ah ku jirin!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaal laga riday gudaha Siiriya oo bur buriyay Diyaarad ay leedahay Isra’il (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay lagu weeraray Ciidamo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha

Cabdi Cade

Iran oo ku shaacisay in Jawaab deg deg ah ka bixin doonto Weerarkii Israa’il

Cabdi Cade