Allbanaadir.com
NEWS

Faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira kamid noqoshada urur gobaleedka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya waxaa si buuxda uga kamid noqotay xubinimada urur gobaleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika,kadib codeyn loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal xoogan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC isla markaana ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladdan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee caasimada dalka Tansaaniya halkaasi oo lagu go’aamiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaan.

Hadaba Soomaaliya oo qeyb ka noqotay East Afrika Community, EAC maxaa faa’iido ah ugu jira?

Dad badan ayaa aaminsan in ku biirista Soomaaliya ee Daladda Bulshada Bariga Afrika, aysan wax badan ka faa’iideyn balse xaqiiqada ayaa ah in ay faa’iido weyn ku qabaan dadka gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada EAC.

1- FURSAD GANACSI IYO SUUQ WEYN OO AY KA FAA’IIDESTAAN DADKA SOOMAALIYEED.

2- ISU SOCODKA BULSHADA KU MIDEYSAN EAC, IYAGOO AAN U BAAHNEYN DAL KU GAL. IYO HELITAANKA BAASSABOORKA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

3- GANACSATADA SOOMAALIYEED OO SHARCI BUUXA U HELAYA GANACSIGA IYO HANTIDA KA JIRTA DALALKAASI, DADKEENUNA UGU GANACSADAAN WALWAL LA’AAN.

4- SOOMAALIYA WAXA AY HELI DOONTAA FURSADO AY BADEECADDA UGU IIB-GEEYAAN DALALKAAS, OO AAN CANSHUUR KALE LAGA RABIN.

5- XAQUUQ GANACSI IYO MID BULSHO OO HEER GOBOL AH.

6- GANACSATADA SOOMAALIYEED, OO IYAGU ISAGA KALA GOOSHI DOONA DALALKA EE QEYBTA KA AH URURKA WADAMADA BARIGA AFRICA, BILAA SHARUUD.

7- KOBACA DHAQAALAHA OO AY SOOMAALIYA KA HELEYSO SUUQA WEYN EE EAC.

8- ISKAASHIGA KHUSEEYA SIYAASADDA, AMMAANKA, DIFAACA, DHAQAALAHA, DHAQANKA, TIKNOOLAJIYADDA IYO SHARCIGA.

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu yimi Xafiiska waxa uu dadaal xoogan galiyay sidii ay Soomaaliya wax ula qeybsna la heyd Dalalka Darsika la ah Soomaaliya iyo kuwa ay kuwada midaysan yihiin Uururda kala Ah IGD,Midawga Afrika,Jaamacada Carabta iyo kuwa kale.

 

Related posts

Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Xukuumada Kheyre oo bilowday dagaal ka dhan ah Musuq Maasuqa

Cabdi Cade

Askari ka tirsan NISA oo dil u geystay nin hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Cabdi Cade