Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Somaliland oo qabtay agab la sheegay in loo waday Laascaanood (Sawirro)

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay qabteen agabyo kala duwan oo ay sheegeen in loo waday magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Khaatumo.

War kasoo baxay ciidamada nabad sugida Somaliland ayaa lagu sheegay in agabka ay qabteen ay ku jiraan 200- oo taayarada baabuurta, kuwaa ay sheegeen in ay u badan yihiin noocyada gaadiidka dagaalka loogu talagalay.

Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in la bur buriyay  shabakado ay sheegeen in ay adeegyo caafimaad gaarsiiyeen magaalada Laascaanood, waxa ayna ciidamada qabteen qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka deg degga ah.

Maamulka Somaliland ayaa dagaal kula jira maamulka Khaatumo ee xaruntiisa tahay magaalada Laascaanood, waxa ayna Somaliland mamnuucday in deegaannada Khaatumo la geeyo agabyada qaar , gaar ahaan kuwa ciidanka iyo caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabad ku dhacday Qaboojiyaha Villa Hargeysa iyo Doorashada oo goobtaasi laga bedelayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Addis Ababa kula kula kulmay Cabdi-weli Gaas & xubno kale

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo War ka soo saaray qaraxii ka dhacay isgoyska Dabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---