Allbanaadir.com
NEWS

Waa sidee xaalada Gaza ka dib xabad joojintii saaka bilaabatay (Sawirro)

Xabbad joojin ku meel gaar ah oo u dhexeysa Israa’iil iyo ciidamada Xamaas ayaa maanta oo Jimce ah ka dhaqan gashay marinka Qaza ka dib muddo 48 maalmood ah oo ay socotay colaad baabi’isay dhulka Falastiiniyiinta.

Lama sheegin qaraxyo waaweyn, weerar madaafiic ah ama gantaallo inkastoo Xamaas iyo Israa’iil ay labaduba midba midka kale ku eedeeyeen xad-gudubyo goos-goos ah oo dhacay

Xabad joojinta, oo bilaabatay 7-dii aroornimo (0500 GMT), ayaa waxaa lagu heshiiyey maalinta koowaad sii deynta 13 haween iyo carruur Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas, taasoo lagu beddelanayo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil iyo Gargaar dheeri ah oo Gaza la geynayo  halkaasoo dadka ku nool  ay la daalaa dhacayaan masiibo bini’aadantinimo oo ka dhalatay duqeymaha Israa’iil oo kumanaan Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen.

Wariyayaal ka tirsan Reuters ayaa sheegay iney arkayeen taangiyada Israa’iil oo ka guuraya marinka Qaza ee cidhifka waqooyi. Ma jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ciidamada cirka ee Israa’iil ay ka sameeyeen waqooyiga Gaza.

Xamaas ayaa xaqiijisay iney xabad joojinta u hogaansameyso Laakiin Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa markii dambe carrabka ku adkeeyay in tani ay tahay “xabbad ku meel gaar ah”.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in dagaalku uu dib u bilaaban doono dhawaan.

“Tani waxay noqon doontaa hakad gaaban, marka uu dhammaado dagaalka wuxuu ku sii socon doonaa si xooggan” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel Yoav Gallant, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay Falastiiniyiinta inaysan isku dayin in ay dib ugu laabtaan guryaha ku yaalla waqooyiga Gaza, oo ay ku tilmaameen “aag dagaal oo khatar ah”.

Ugu yaraan 120 baabuur oo kuwa gargaarka qaada ah ayaa ilaa hadda soo galay marinka Gaza ee xadka Rafah Jimcihii, sida uu CNN u sheegay sarkaal ka tirsan Masar oo ku sugan xadka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in baabuurtaasi ay qeyb ka yihiin 200 oo baabuur oo kuwa gargaarka ah oo maalin kasta geli doona Gaza.

Sidoo kale ugu yaraan toddobo baabuur oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa Gaza ka soo galay dhanka xadka Rafax ee dalka Masar Jimcihii maanta, ka dib markii xabbad joojintii la filayey ee Israa’iil iyo Xamaas ay u muuqatay mid sii soconaysa.

Gawaarida sida gargaarka ayaa sidoo kale u muuqday inay bilaabeen inay u dhaqaaqaan Gaza iyagoo ka yimid xadka Rafah, sida laga soo xigtay muuqaal toos ah oo ay soo saartay Reuters.

Kolonyo baabuur ah oo gargaar siday ayaa isa soo dhoobay isgoyska soohdinta iyagoo heegan ah ka hor xabbad joojinta, taasoo u muuqatay inay dhaqan gashay 7-dii subaxnimo ee saaka xilliga maxalliga ah.

Isku duwaha hawlaha dhulka Israa’iil (COGAT) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in afar booyadood oo shidaal ah iyo afar booyadood oo siday gaaska cuntada lagu karsado ay ka gudbeen marinka Rafah ee Gaza.

Shidaalka iyo gaasta karinta waxaa loo qoondeeyey inay ka shaqeeyaan kaabayaasha bini’aadantinimo ee Gaza waxaana ogolaatay dawladda Israa’iil taasoo qayb ka ah xabbad joojinta.

Si dhab ah uma cadda noocyada kale ee gargaarka ilaa hadda loo oggolaaday marinka Qaza

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Qaza ka dib markii dagaalyahannada Xamaas ay ka soo gudbeen xayndaabka xudduudda ee koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaasoo ay ku dileen 1,400 oo qof kuna qabsadeen ilaa 240 qof oo la qafaashay, sida ay sheegtay Israa’iil.

Tan iyo markaas, Israa’iil waxay bambaanooyin ku duqeysay dhulka ay Xamaas maamusho, oo ay ku dishay ilaa 14,000 kun oo reer Gaza ah kuwaasoo ku dhawaad 40% ay yihiin carruur, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiin.

Waa dhacdadii ugu dhiigga badneyd ee ka dhacda colaadda Israel iyo Falastiin ee daba dheeraatay muddo tobanaan sano ah. Ujeedka Israa’iil ayaa lagu sheegay in uu yahay in hal mar la cirib tiro Xamaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

 

Related posts

Muxuu Xisbiga Himilo Qaran uga aamusay xiisada ka dhex aloosan Somalia & Kenya?

Caydiid Ali

Daadad xooggan oo ku rogmaday Baydhabo iyo barakac ka dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Lamaane faqiir ahaa oo hal maalin ku taajiray iyo sida nasiibka u saaciday !(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---