Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Meelmarinta Isbedelka dastuurka dalka waa gobonimo Siyaasadeed”

Xildhibaanadu ha qaataan kaalintooda uga Aadan meelmarinta qorshooyinka Isbedelka Loogu Sameynayo Dastuurka, si loo hiigsado wanaajinta siyaasadaha lagu hagayo maslaxadda looga shaqeynayo masiirka ummadda Soomaaliyeed, waxeyna maanta go’aan qaadashadaas taariikhiga ah ay ku jirta gacmaha xildhibaanada oo looga baahan yahay iney indhahooda ku fiiriyaan maslaxada oo keliya, si aan lahayn caadifad shaqsiyadeed iyo mid dareen xambaarsan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ha u hiiliyaan wanaaga aayaha mustaqbalka iftiiminaya rajada ay ummaddu ka qabto iney ku gaarto hiigsiga ay ugu jirto wanaajinta maslaxadeeda guud oo cabireysa Jamhuriyadda Soomaaliya oo yeelata hogaanka ku dhisan hanaan madaaxweyne; doorasho ay shacabku si toosa ugu codeeyaan qof iyo cod; siyaasadda dalka oo hogaankeeda loogu tartamo laba xisbi siyaasadeed oo heer qarana; iyo dastuurka oo la qashin bixiyo, laguna tayeeyo isbedel qiimo waxtar leh ku soo kordhiya siyaasadaha lagu meelmarinayo masiirka ummadda.

Xildhibaanadu ha iska hilmaamaan ismaandhaafka kala dhexeysa madaxda dowladda oo aysan shaqsiyadooda jecleyn, taas bedelkeedana ha tixgeliyaan danaha aadka ugu weyn horumarinta meelmarinta isbedelo siyaasadeed oo ay ummadu u aydo mustaqbalka dhow iyo midka dheer, kaas oo lagu wanaajinayo masiirka ummadda Soomaaliyeed, dalkana looga badbaadinayo ku dhaqanka hanaanka baarlamaan ee uu ka tegey Faashiistihii talyaaniga oo shaarka bedeshey markii looga adkaaday dagaalkii 2aad ee adduunka.

Hanaanka ku dhisan madaxweynaha wuxuu awood buuxda oo madaxtooyada ka madaxbanaan siinayaa xildhibaanada Baarlamaanka iyo gudoomiyeyaashooda, kuwaas oo ah meesha meelmarinta siyaasadda dalka lagu hagayo laga soo abaabulo, waana meesha keliya ee nuxurka dagaalka siyaasadeed uu ka jiro, waana meesha ay sida rasmiga ah mucaaradka iyo muxaafadka ay awoodoodu taalo, taas oo u kala baxsan laba jiho keliya oo kala duwan, shacabkuna ay ku kala taageerayaan aragtiyadooda is diidan.

Talyaaniga oo weligiis ku dhegenaa jiritaanka xisbiyo fara badan ayaa maanta isbedel ku sameynaya nadaamkaas ay boqolaalka sano siyaasad ahaan ugu soo dhaqmayeen, waxeyna hadda hiigsanayaan iney yeeshaan labo xisi siyaasadeed oo waaweyn, kadib markii ay xukuumada Talyaaniga si isdaba jooga ula kulantay degenaansho la’aan oo dalka marar badan gelisa xukuumad la’aan, waxeyna Talyaanigu ay ka dhaxleen hanaankaas xisbiyada badan in dalkoodu uu dib uga dhaco horumarka ay gaareen wadamada dowladahoodu ay ka jirto degenaansho horseeda horumar leh waxqabad, meesha Talyaaniga ay la gebi dhacleyneyso xukuumadoodu murano ka dhasha ismaandhaafka u dhexeeya xisbiyada badan oo aragtiyo aad u kala fog kala aaminsan.

Dastuurku waa heshiis dadweyne oo loogu talogalay in isbedel lagu sameeyo, isbedelkaas oo la tilaabsanaya isbedelka maskaxeed iyo midka horumarineed oo ay ummaddu ku talaabsaneyso horusocodnimadooda mustaqbalka dhow, saadaalna ka bixinaysa mustaqbalka dheer jihadda siyaasadeed ee horseedaysa degenaanshaha nolosha dadka iyo xasiloonaanta xukuumada dalka, waxaana lagama maarmaan ah marka tilaabooyinkaas lagu gaarayo meelmarinteeda ku haboon in meel la iska dhigo dhaqanka ku dhisan goboleysiga iyo iskooxeysiga ka dhashay taageerada xukumadihii madaxdii kala duwaneyd ee dalka soo hogaamisey.

Isbedel lagu sameeyo dastuurka waa lama huraan ee xildhibaanow noqo kii taariikhda markii ugu horeysey gacantiisa wax ugu ansixiya isbedelada lagu sameynayo dastuurka oo miro-dhalkiisa ay mahdinayaan jiilasha soo socda oo aad meelmarintaada ugu reebtay dhaxal siyaasadeed oo horumar leh, sidaasna aad abaal ugu gashay gobonimo dastuur oo uu dalku dib u helay iyo wax ka bedelkiisa oo madaxbaneeya hiigsiga masiirka ummadda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com

Related posts

Dowlada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay shirkaddo gaar ah (War-Saxaafadeed)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay in uu xirayo Saldhigyo ciidan oo Mareykanka leeyahay

admin

Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---