Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xabbad-joojin afar maalmood soconeysa oo saaka ka dhaqan gashay Gaza

Israa’iil iyo Xamaas ayaa billaabay xabbad-joojin afar maalmood ah saaka oo Jimce ah

Xabbad-joojinta ayaa u muuqata mid dhaqan galaysa, inkastoo ay is-weydaarsadeen madaafiic wax yar ka dib markii la gaaray xiligii loo asteeyey iney bilaabato oo aheyd 7:00 aroornimo xiliga Gaza.

Saxafiyiinta ku sugan magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil ayaa sheegay in dhawaqa hubka culculus ay joogsadeen abaaro 7:18 subaxnimo xiliga maxaliga ah

“Waxaan maqalnay wax u eg hubka fudud gudaha Qaza ku dhawaad ​​20 daqiiqo ka dib, laakiin rasaasta madaafiicda, duqeymaha cirka iyo gantaalada ayaa u muuqda inay joogsadeen guud ahaan” ayuu yiri weriye ku sugan Gaza.

Waxaa lagu wadaa in Xamaas ay sii daayaan 13 haween iyo carruur Israa’iil ah oo la haystayaal ah isla maanta, iyo in gargaar bini’aadannimo uu soo gaaro marinka Gaza ee go’doonsan.

Xabbad-joogintan ayaa ah tii ugu horreeyay ee dagaalka socday toddobada usbuuc.

Xabbad-joojinta ayaa ka dhaqangashay waqooyiga iyo koonfurta Gaza, waxaana ku xigta sii-daynta qaar ka mid ah in ka badan 200 oo la-hayste oo Xamaas ay qafaasheen intii uu socday weerarkii Islaamiyiinta ee 7-dii bishii hore ee Oktoober, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaal ku sugan Qatar.

Tiro maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil ayaa lagu sii deyn doonaan is-weydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Gargaar dheeri ah ayaa loo qorsheeyay in uu ku qulqulo Gaza, waxaana la haystayaashii ugu horreeyay oo ay ku jiraan haween da’ ah la sii deyn doono 4-ta galabnimo, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majid Al-Ansari, isaga oo intaas ku daray in tirada guud ee la sii deyn doono afarta maalmood ee xabbad-joojinta ay gaari doonto 50 qof.

Masar ayaa sheegtay in 130,000 kun oo litir oo shidaal ah iyo afar baabuur oo gaas ah la geyn doono Gaza maalin kasta marka xabbad joojinta la bilaabo, waxaana maalin walba Gaza soo geli doona 200 oo baabuur oo gargaar ah.

Xamaas ayaa ku xaqiijisay khadleeda Telegram-ka in dhinacooda ay qaateen Xabbad-jooginta ayna u hogaansami doonaan.

Related posts

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay magaalada Camaara

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug oo maanta kusii jeeda magaalada…

Cabdi Cade

Khayre: “Inaan is dhageysano marka la kala aragti duwan yahay ayaanu ku heshiinay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---