Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

UNICEF: “Gaza waa meesha ugu halista badan Adduunka ee Ilmo uu ku noolaado”

Marinka Qaza waa meesha ugu khatarta badan adduunka in caruur ay ku noolaato sida uu sheegay agaasimaha fulinta ee Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF.

“In ka badan 5,300 oo caruur falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 46 maalmood gudahood, waa arrin damqasho leh oo aan la aqbali karin xiligan casriga ah” ayuu yiri Agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell oo la hadlaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Iyada oo lagu saleynayo tirooyinkan, carruurtu waxay 40% ka yihiin dhimashada Gaza,” ayay raacisay.

“Tani waa mid aan horay loo arag. Si kale haddii loo dhigo, Marinka Gaza waa meesha ugu khatarta badan adduunka ee lagu noqon karo ilmo,” ayey tiri Russell.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in UNICEF ay heleyso warbixino sheegaya in “in ka badan 1,200 oo caruur ah” ay ku hoos jiraan burburka dhismayaal la duqeeyay kuwaasoo aan nolol iyo geeri aan midna lagu heynin

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib booqashadii Russell ay ku tagtay Gaza. Warbixin ay soo saartay booqashadeeda ka dib, ayay ku tilmaantay xadgudubyo ba’an oo lagula kacayo carruurta, oo ay ku jiraan dil, naafaynta, afduubka, weerarrada dugsiyada iyo Isbitaallada, iyo diidmada gargaarka bini’aadantinimo.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo shuruud cusub ku xiray dalalka Finland & Sweden (Maxaa isbedelay)

Caydiid Ali

Theresa May oo booqashadeedii ugu horeysay ku imaneysa qaarada Afrika

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro geestay ka fulisay Gudaha Kenya

admin
Taboola Ads ---