Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xisbullah oo 48 gantaal ku garaacday saldhig ay leeyihiin ciidamada Israaiil

Kooxda  Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay inay 48 gantaal ku garaacday xarunta dhexe ee ciidamada lugta ee Israa’iil ku leeyihiin saldhigga milatari ee Ein Zeitim, oo u dhow magaalada Safed ee waqooyiga Israa’iil.

Bayaan ay soo saartay Khamiista, Xisbullah waxay ku sheegtay inay sidoo kale gantaal la hagayay ku garaacday taangiyada Merkava ee Israa’iil oo yaalla meel u dhow Al-Raheb, oo u dhow magaalada Shtula ee Israa’iil, ayna beegsatay ciidammada lugta Israa’iil ee aaggaas.

Hezbollah ayaa sidoo kale sagaal weerar oo kale ku qaaday fariisimaha ciidamada Israa’iil iyo isku imaatinka askarta subaxnimadii Khamiista, oo ay ku jiraan Jal Alalam, Berket Risha, Al-Manara iyo Raim.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay qabteen tiro ka mid ah duqeymaha, kaddibna ay adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha dagaalka si ay u duqeeyaan kaabayaasha iyo goobaha gantaallada ee Hezbollah ee Lubnaan, taasoo jawaab u ah weerarrada Xisbullah.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in sheegtay in la diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd ee madaafiicda iyo duqeymaha ay Israa’iil ka geysato koonfurta Lubnaan tan iyo markii uu dagaalkan bilowday 8-dii October.

Wakaalada waxay sheegtay Khamiistii in dhowr magaalo oo ku teedsan xudduudda ay subaxnimadii ku dhacday madaafiicda Israa’iil.

Xisbullah waa kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, waana mid ka mid ah xudunta udub-dhexaadka u ah walaaca laga qabo in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu ku fido Bariga Dhexe

Hoggaanka kooxda ayaa taageero u muujiyay Falastiiniyiinta, waxayna cambaareeyeen duullaanka Israa’iil ee Gaza,

Xadka Israa’iil iyo Lubnaan ayaa xaalad kacsanaan ah ay ka jirtay tan iyo markii Xamaas ay weerartay gudaha Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade