Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo xabsiga dhigay agaasimihii Isbtaalka Al-Shifa

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay xireen agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa oo ah isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza.

Abu Salmania ayaa la sheegay in la xiray xilli uu ka soo baxayay Isbitaalka Al-Shifa oo ay dhibaatadu ka dhacday, isagoo ka mid ahaa kolonyo ay la socdeen Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ay Maamusho ee Gaza ayaa sheegtay inay hakisay wadashaqeyntii ay la lahayd WHO waxayna sheegtay in Qaramada Midoobay ay si buuxda mas’uuliyadda uga saaran tahay xarigiisa.

“Abu Salmia waa la qabtay waxaana loo wareejiyay qeybta su’aalo weydiinta  ka dib markii ay soo baxday cadeymo muujinaya in Isbitaalka Shifa oo hoos yimaada Maamulkiisa uu u adeego sidii xarun talis iyo xakameyn Xamaas,” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka Israel.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay inuu wax ka ogaa godad laga helay Isbitaalka iyo hub badan gudaha Isbitaalka iyo barxadda oo ay ku keydisay Xamaas

“Isbitaalka uu maamulayay, waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo Xamaas ah. Natiijooyinka ku lug lahaanshihiisa falalka argagixisanimada ayaa go’aamin doona doono xarigiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Related posts

Bulshada Rayidka Puntland oo si adag uga hadashay xiisada dagaal ee ka taagan Garawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo War ka soo saaray shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali