Allbanaadir.com
NEWS

Qarax lagu bur buriyay goob ganacsi oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa xalay saqdii dhaxe xaafad katirsan degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ka dhacay qarax nuuca miinada ah, kaa oo lagu xiray goob farmashiye ah oo la sheegay in uu lahaa qof shacab ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa miino lagu bur buriyay farmashiyaha kuyaalla Yaqshiid, mana lasoo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxan oo jugtiisa si weyn loo maqlay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxan miino ee lagu burburiyay goobta caafimaad, sidoo kale ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan farmashiga lagu bur buriyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in farmashiyaha la qarxiyay uu u hoggaansamay ammar kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku amrayay goobaha ganacsi iyo xarumaha kale ee kuyaalla degmadaasi in lagu xiro kaamirooyinka loo yaqaan CCTV.

Al Shabaab ayaa dhankeeda la sheegay in ganacsatada Yaqshiid uga digtay in ay xirtaan kaamiirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba, waxa ayna ciddii amarkooda diida ugu hanjabeen in tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Villa Somalia oo War ka soo saartay geerida Marxuum C/llaahi Cosoble Siyaad

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad Muslimiin ah oo lagu dilay dalka Itoobiya iyo Sababta dilkooda keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---