Ciidamada booliiska magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay lataliyihii hore ee madaxweynaha Mareykanka Brack Oboma, kaa oo lagu eedeeyay in uu ku hadalay islaam naceyb.
Stewart Seldowitz ayaa ku dhawaaqayay hadalo u muuqday Islaam naceyb xilli muuqaal laga duubayay, waxa uuna ninkan falkan ku kacay xilli uu ku sugnaa maqaayad laga cuno cuntada xalaasha ah oo kutaalla magaalada New Yourk.
Hadalada carrada abuuray uu ku dhawaaqayay lataliyihii hore ee Obama ayaa waxaa kamid ahaa kuwa uu wax uga sheegayay carruurta lagu laayay magaalada Gaza, waxa uu sidoo kale ninkan mid kamid ah shaqaalaha maqaayada ku tilmaamay argagaxiso.
Muuqaalkan ninkan oo lagu baahiyay baraha bulshada waxaa si weyn uga carrooday muslimiinta kunool caalamka, kuwaa oo ugu baaqayay dowladda Mareykanka in tallaabo adag laga qaado ninkan naceybka ku kacay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com