Allbanaadir.com
NEWS

Xanuun cusub oo lagu arkay dalka Uganda iyo dadkii uu ku dhacay oo geeriyooday

Dalka Uganda waxaa ka taagan walaac cusub oo laga muujinayo xanuun qeybo kamid ah dalkaasi lagu arkay, xanuunkan ayaana dadkii uu ku dhacay qaar badan oo kamid ah la sheegay in ay geeriyoodeen.

Saraakiil katirsan wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda ayaa sheegay in xanuunkan cusub oon la garan wali lagu arkay degmada Kyotera ee gobolka dhexe, waxa ayna sheegeen in isbuucyo gudahood uu ku dhacay dad gaaraya 12-qof.

Waxa ay sheegeen saraakiisha caafimaadka in bukaannada uu ku dhacay xanuunkan uu ka soo baxay nabro maqaarka ah kuwaas oo sii kordhayay, ka hor inta aysan dhiman maalmo gudahood, bukaannada qaar ayaana la tilmaamay in ay lugaha ka barareen.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda ayaana baaritaanno ku sameysay qaar kamid ah dadkii uu ku dhacay xanuunkan, mana jiro ilaa hadda faah faahino ay wasaarada ka bixisay baarista xanuunkan ee la sameeyay.

Bukaannada uu ku dhacay xanuunkan cusub ee lagu arkay dalka Uganda ayaa wasaaradda Caafimaadka sheegtay in ay u tageen dhaqaatiir dhaqameed , halkii la rabay in ay tagaan isbitaalada si xaalkooda wax looga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Xasaasi ah oo Hargeysa ku dhax maray Muuse Biixi iyo Ben Fender (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo ka digay fara gelin ay ku heyso dowladda Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay

Cabdi Cade